Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa sheegay iney ka feejigan yihiin musuq lagu sameeyo doorashooyinka madaxtininmo ee dhowaan dalka ka dhici doona.
Guddoomiyaha guddigaasi Abukaate Cumar Maxamed Maxamed Cabdulle (Dhagey) oo saxaafadda kula hadlay maagaalada Muqdisho, ayaa sheegay iney soo saareen nidaam lagu xakameenayo in musuq uu dhacdo, sidoo kalena ay soo saareen qorsheyaal lagu joojinayo arrintaasi.
“Guddiga wuxuu aad uga feejigan yahay iney jirto ra’yi guud oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan oo ah in musuq maasuq ka dhici karo doorashada, arrintaasi guddiga isaga oo aad uga baaraan degayo, uga fikirayo wuxuu diyaariyey xeer reebaya in aan lala geli karin goobta codbixinta ka dhacayso wax taleefanno ah ama qalabka wax lagu sawirro ah, taas oo inta badan loo adeegsado in qofka marqaati iyo marag muujin u sameeyo inuu codkiisa siiyey ninkii uu wax ka qaatey, si aysan taasi u dhicin waxaa xaaraan ah oo la baarayaa cid walbo oo galeysa goobta doorashada ineysan sidan Camera ha ahaato mid taleefan ku rakiban ama mid kale, sidoo kale guddiga isaga oo arrintaasi aad uga feejigan wiuxuu xeer kasoo saaray in warqadaha lagu qoro calaamad ka duwan caalamadda loo asteeyey doorashada, warqaddii lagu qoro calaamaddaasi waxay noqoon doontaan mid aan waxbo ka jirin oo labaabi’inayo, sababtoo ah waxay marka horeba u muuqaneysaa mid loogu talogalay marka uu tiranayo wakiilka mushararax wuxuu arki karaa calaamadihii lagu qoray oo muujinaayey heshiiska wixii lagu galay, sidaasi darteed maadaama codadka ay wax ka tirinayeen oo markii codadka la tiriyo loo dhiibayo musharrax wakiilkiisa wuxuu fursad u heli karaa inuu fiiriyo calaamado lagu heshiiyey in ay ku qoran yihiin warqadahaasi, sidaa darteed guddiga doorashada wuxuu eegi doonaa in warqadaha calaamadeysan yihiin, haddii halkaasi lagu arko warqad ku qoran calaamad ka dheer midda doorashada in warqaddaasi la tirin doonin ayaa xeerka kamid ah”




From the comments