Hay’adda u doodda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in haween ku jira xabsi ku yaalla magaalad Gabiley loo gaystay tacadiyo kufsi iyo jir dil iskugu jira lixdii bilood ee ugu dambeeysay.
Qoraalkan ay hay’addu soo saartay oo warabaahinta soo gaaray, ayaa waxa lagu sheegay in haweenkaasi ay kufsadeen rag iskugu jira askarta xabsiga iyo rag kale oo uga yimid gudaha xabsiga, kuwaasi oo marar badan falalkaasi kula kacay , waxayna hay’addu intaasi raacisay iney cambaaraynayso.
Taliyaaha xabsiga Gabiley Maxamed Axmed Dhunkaal oo warbaahintu wax ka weydiisay jiritaanka warkan waxa uu sheegay iney ka dambaysay arrintan ay faafiyeen ehelada haween dil loo haysto oo ku xiran xabsiga kuwaasi oo ka mid ahaa dad maalinta Talaadada ah ee todobaad kasta loo sii daayo maxaabiista si ay u soo booqdaan , waxaanu taliyuhu sheegay in markii ay soo booqanayeen ay ula sinaayeen uun ehelada caadiga ah ee maxaabiista u timaadda .




From the comments