Saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigey maxaabiis laga qabtay Puntland oo dagaalka galbeedka Gaalkacyo intii uu socday gacanta lagu dhigey.
Maxaabiistani dagaalka lagu qabtay ayaa tiradooda ay gaaraysa illaa seddex oo la soo bandhigay waxaana warar ay heshay Goobjoog News ay sheegayaan in tirada maxaabiista ay intaas ka badan yihiin.
Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Galmudug ee Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali “Gadaar” oo saxaafadda kula hadlay halkii lagu bandhigay askartani u dagaallamaysay Puntland ayaa si kulul u eedeeyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.




From the comments