U bood dhigaalka

Jamaal Cali Xuseen “Musharax La Kala Dhaco Ma Aynaan Arki Jirin”

Sheeko:Dalka

Murashax Jamaal Cali Xuseen iyo garabka uu hoggaamiyo ee xisbiga mucaaradka ee Ucid ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin tanaasul la’aanta garabka guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay isku hayaan siyaasadda xisbiga.

Jamaal Cali Xuseen murashaxa xisbiga Ucid oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay in Faysal Cali Waraabe sheegto inuu yahay musharax xibiga u matali doona doorashooyinka Somaliland ee 2017;

“Waad ogeydeenoo go’aan maxkamadeed baa soo baxay, go’aankaasna fulintiisii ayuunbaa nalaga doonayaa ineynu sameyno xisbigana waa tii la sheegoo waa Labo garab, go’aan maxkaad baa sheegay, heshiisbaa lagu galay, heshiiska xisbiga guddoomiye iyo musharax baa loo kala qeybsaday, musharax la kala dhaco ma aynaan arki jirin oo la iska sheegtee wax sharci ku socda unbaa la arki jiray”, ayuu yiri Jamaal.

Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa kale oo uu saxaafadda u sheegay inuu magacaabay xoghayaha xisbiga oo uu u magacaabay Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, isagoo sheegay magacaabistaa u martay sifo sharci ah garabkooduna ay xaq u lahaayeen.

Dhinaca kale, Garabka xisbiga ee uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen waxay gaashaanka u daruureen codsi uga yimid garabka kale ee xisbiga ee uu hoggaamiyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo codsaday in garabka Jamaal soo bedelaan xubin ka mid ah guddiga qabanqaabada shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga ee la filayo in lagu kala saaro garabyada is haya ee xisbiga.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyay xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa 18 October ayaa si cad u sheegay inuu u taagan yahay musharaxnimada xisbiga Ucid, taas oo hoos u dhigtay rajadii laga qabay in khilaafkii xisbiga la xakameeyo kadib go’aankii maxkamadda sare ee Somaliland.

Maxkamadda sare ee maamulka Somaliland ayaa go’aan ay ka soo saartay khilaafka garabyada is haya ee kala duwan ee xisbiga 25 September, qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen in xisbiga Ucid qabsado shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga halkaana lagu kala baxo.

Goobjoog News