Guddi Amni Oo Loo Magacaabay Hiiraan

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa guddi amni waxa uu u magacaabay gobolka Hiiraan.
Guddigan oo ka kooban 7 xubin ayaa dhammaantood waxa ay yihiin saraakiil ciidan, waxaana loo xil saarey ka shaqeynta amniga guud ee gobolkaasi.
Xubnaha guddigan ayaa kala ah:
S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.
Madaxweyne Cosoble ayaa kula dardaarmay xubnaha guddigan in sidii loogu talogalay u gutaan waajibkooda, islamarkaana ay wax badan ka bedalaan amniga guud ee gobolka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhammaan shacabka Hiiraan iney la shaqeeyaan guddigan oo uu u rajeeyey waxqabad wanaagsan.
Goobjoog News