Wararka ka imaanaya degmada Qanadala ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannadii qabsaday degmadaasi ay si iskood ah uga baxeen halkaasi.
Dagaalyahannada oo sheegtay iney ka tirsanyihiin Ururka Daacish ayaa iyaga oo hubeysan waxay qabsadeen degmadaasi, iyagoo halkaasi ku sugnaa in ka badan 12 saac.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dagaalyahannadan ay calankooda ka sureen degmada Qandalla, iyagoo saacado kadibna halkaasi isaga baxay.




From the comments