Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarey safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan iyo saraakiil ciidan oo Jabuuti.
Taliyaha ciidamada Jabuuti Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidan ee la socotay safiirka Jabuuti, waxaana kulan saacado qaatey la yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxay booqasho ku tageen xerada Ceel-jaalle ee ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti, iyadoo ulajeedka ay halkaasi u tageen ahayd weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhowaan lagu qaadey xero ay B/weyne ka deganaayeen ciidanka Jabuuti iyo u kuur galka xaaladda ciidankaasi.




From the comments