Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dagaallada ka dhaca deegaannada maamulkaasi ay isku soo garabsadeen dowladda Federaalka, Al-shabaab, Daacish iyo maamul goboleedyo uu sheegay in aaney sharci ahayn.
Wuxuu sheegay Gaas in Puntland ay ka talineysay aayaha dalka, balse wuxuu tilmaamay in taasi bedalkeeda looga dhigey in iyaga duulaan lagu soo qaado waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Hormarka ay sameynayso Puntaland, nabad galyadeed, wanaag jaceylkeeda iyo Soomaali raadinteeda waxay u abuurtay cadow badan, ma waxaysan raali ka ahayn horumarka, Soomaalinimada iyo wadajir jaceylka, muddo ayaan sugeynay in Soomaali isku timaado, 18 sano waxaan raadineynay Soomaalinimo, wadajir iyo in qarannimada Soomaaliya dib loo helo, waan ku dadaalnay, dhiig baan ku bixinnay, dhaqaale baan ku bixinney, markii aan ciidamadii iyo dhaqaalihii Puntland Koonfur geyneynay dhib badan baa nasoo gaarey, abaal kama aanan helin arrintaasi, dhib baa naga soo gaarey, maanta waxay mareysaa in Shabaab, Daacish, Federaalka, maamul goboleedyo aan sharci ahayn intey isbahaysteen ay Puntland kusoo duulaan” ayuu yiri Gaas.




From the comments