Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa guddi dhex dhexaadin ah u saaray khilaafka soo kala dhexgalay iyo cabashada uu qabo garabka uu hogaamiyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga ee Axmed Muumin Seed oo la baxay garabka toosinta Waddani .
Guddigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa wadahadal la furay Axmed Muumin Seed kooxdiisa waxaana wadahadalkaasi oo ka socda magaalada Borama sida uu xisbigu sheegay lagaga haldalyaa khilaafkii soo kala dhexgalay xisbiga shirweynihii ka dib.
Inkasta oo aanu wali wadahadalkaasi dhammaanin hadana xukuumadda Somaliland ayaa xirxirtay odayaal sheegay iney ka qaybqaadan doonaan sidii xisbiga Waddani ee mucaaridka ah u wada heshiin lahaa iyaga oo odayaashaasina lagu eedeeyay iney wadeen rabshado ka dhan ah amniga.





From the comments