Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay dagaal ku qabsadeen Xarakada Al-shabaab, kadib weerar dhowr jiho oo deegaankaasi kusoo qaadeen.
Abaare Salaadii subax ee saakay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab waxaa dhexmaray dagaal xooggan, waxaana dagaalkaasi uu socday in ku dhow Saddex Saac.
Saddex qof oo dhinacyadiii dagaallamay ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ku dhinteen, iyadoo dhaawacana gaarayo 10 sida ay goob joogayaal inoo sheegeen.




From the comments