Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed (NISA) qeybtooda ka howlgasha Galmudug ay soo badbaadiyeen haweeney Ajaaniib ah oo ay heysteen koox burcad badeed Soomaali ah.
Haweeneydan ayaa u dhalatay dalka Kenya, waxaana lagu haystay koonfurta gobolka Mudug, iyadoo kooxdaasi u afduubneyd muddo 18 bil ah, iyadoo la keenay demada Cadaado.
Taliyaha ciidanka NISA ee deegaannada Galmudug Saadaq Cumar Xasan ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, soo badbaadinta haweeneydan, balse ma jirto faah faahin intaan ka dheer.




From the comments