Ganacsatada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in maamullada Puntland iyo Galmudug ay is dhaafsadaan maxaabiis ay ku kala haysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Puntland ayaa sii deysay shaqsi ay ka haysteen dhanka Galmudug, iyadoo Galmudug iyana ay siideysay Saddex qof oo uu ku jiro ganacsade kasoo jeeeday dhanka Puntland.
Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah loogu guuleystay in maxaabiistaan la is dhaafsado, islamarkaana dadaalka ugu weyn ay bixiyeen Ganacsatada Labada dhinac.




From the comments