Siyaasi Maxamuud Raage oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye horeyna u soo noqday xoghayaha siyaasadda xisbiga Waddani, ayaa xisbigii uu horey uga tirsanaa ee Waddani ku tilmaamay in siyaasaddiisu u janjeerto dhanka Somaliweyn.
Siyaasigan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu eedayn u jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isagoo tusaale u soo qaatay Pro. Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan ku biiray xisbiga Waddani, horeyna u aaminsanaa mabda’ Somaliweyn.
Maxamed Raage waxuu siyaasi Buubaa ku tilmaamay inuu yahay mid geed kasta u fuulay sidii uu Somaliland maamul ahaan u hoos gayn lahaa Somaliya, waxaanuu yiri, ”Anigu waxaan ogaa shir jaraa’id oo uu Buubaa ku qabtay 2005 dalka Imaaraatka waqtigaasi oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dawladdii Cabdilaahi Yuusuf Axmed, waxa uu si faahfaahsan u sheegay in Somaliland ay mar un hoos imaan doono calanka Soomaaliya taasina waxay khiyaano ku tahay inuu maanta yiraahdo Somaliland ayaan ka qabanayaa xil”, ayuu yiri siyaasi Raage.




From the comments