Taliska Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iyagu ay damaanad qaadayaan amniga guud ee goobha doorashooyinka ka dhacayaan ee maamulkaasi iyo sidoo kale musharraxiinta ku sugan Baydhabo.
Taliyaha Booliiska K/galbeed Maxamed Isaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dedaal badan ay ku bixinayaan sidii ay qaab nabadeed ugu dhici lahayd doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Baydhabo.
Waxa uu tilmaamay in shaqada ay ciidanka Booliiska hayeen lasii xoojiyey islamarkaana haatan ay u taagan yihiin xaqiijinta amniga dorashooyinka.




From the comments