Haweenka Qaranka Oo Jubbaland Ku Adkeeyay Fulinta Qoondada 30%
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineyso guddomiyaha ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Axmed Gaballe, waxaana ay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Batuulo iyo haweenka kale ee la socday ayaa maamulka Jubbaland ku adkeeyey in la dhaqangeliyo balanqaadkii ahaa in haweenka ay helaan qoondo dhan 30%.
Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka oo hadal ka jeedisey kulankaasi ayaa ka dalbatey haweenka iney wax badan ka bedalaan siyaasadda, ayna muujiyeen isbedallo cusub, maadaama ay heli doonaan kuraas aaney horey u arag.
“Odoyaasha Jubbaland waxaan uga mahadcelineynaa wanaagga, qadarinta haweenka, ilaalinta xuquuqda gabdhaha, siyaasadda dalka hadda kama maqna gabdhaha, waad ogtihiin gabdhuhu waa ay ka howlkarsanyihiin ragga, weyna ka daacadsanyihiin, waxaana rabnaa in qoondada haweenka laga runsheego” ayeey tiri Batuulo Gabelle.
Senator C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in Jubbaland ay mar hore diyaarisey qoondada Haweenka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan haweenka Soomaaliyeed gaar ahana kuwa Jubbaland ineysan ka welwelin qoondadooda.
“Jubbaland meel bay mar hore dhigtay qoondada Haweenka ee 30%, waxaan hadda ogahay in haweenka ayba intaasi ka badan doonaan, kuraasta qaar iyaga ayaaba ugu cad cad, marka laga soo tago kuwooda” ayuu yiri Jeneraal Fartaag.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa hadda ku dedaalaya iney dowladda cusub ee soo aaddan ka heleen Koontadooda 30%, iyadoo lagu howlahan diyaarinta doorashooyinka xildhibaannada aqalka hoose.
Goobjoog News