Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay halkaasi ku dileen dad ay ku eedeeyeen iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Waxaa la sheegay in 5 qof oo isugu jira ganacsato iyo rag kale ay ciidanka Al-shabaab dileen, waxaana sidoo kale jira dad u xiran Al-shabaab oo iyaguna eedeyn sidan oo kale loo haysto.
Inta badan shacabkii ku dhaqnaa degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa la xaqiijiyey iney magaalada isaga baxeen, kadib markii ay ka baqeen in halkaasi dhibaatooyin ay kasoo gaarto.




From the comments