Maanta oo Talaado ah waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxay ardey Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Sudan, waxaana ardeydan yihiin kuwii sanadkan dhammeystay dugsiyada sare oo ay imtixaanka ka qaaddey dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ismaaciil Yuusuf oo ah agaasimaha wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaaliya oo ardaydan safarka ku wehlinaya ayaa u sheegay Goobjoog News, in dhammaan ardeydan ay yihiin kuwo ka kala yimid gobollada dalka, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay deeqdan waxbarasho kasoo dhammeysay Sudan, tiradooduna tahay 137 ardey.
“Safarkaan ardeydan ugu ambabaxeyso Sudan aniguna ku wehlinayo waa ardey Soomaaliyeed oo ka wada socota dalka oo dhan oo Sanadkaan waxbarasho ka helay Sudan, waxbarashaasi oo dowladda Soomaaliyeed ay keentay, ardayda diyaarad toos ah baa halkaan ka qaadeysa illaa Khartuum bay ku socdaan, ardayda waxbarashada heshay waa 137 ardey, ardeydan kaaalimo kala duwan bay ka galeen Imtixaankii ay dowladda qaaddey, Shuruudaha Sudan ayaa ah in ardayga sanadkaan dugsiga sare ka baxay, gabdhaha maanta baxaya kama yara 20” ayuu yiri Agaasimaha.




From the comments