Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay kusoo dhowaadeen maraakiib dagaal oo la sheegay iney leeyihiin ciidamada NATO ee ku sugnaa xeebaha Soomaaliya.
Qandala oo 26-kii bishan ay la wareegeen dagaalyahanno la sheegay iney ka tirsan yihiin Daacish ayaa hadda waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah, iyadoo inta badan dadkii ku dhaqnaa degmadaasi ay kasoo barakaceen.
Maraakiibtan lama sheegin weli wax dhaq dhaqaaqyo Milatari ah oo halkaasi ay ka sameeyeen, hase yeeshee waxaa jiray dhaq dhaqaaqyo ay wadeen ciidanka Puntland oo ay ku doonayaan in degmadaasi ay dib ugula wareegaan.




From the comments