Booliiska dalka Denmar ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen muwaadin Soomaaliyeed oo la tilmaamay in hoygiisa laga helay walxaha qarxa.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Denmark Rene Raffo, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkan Soomaaliga ah oo aanu magaciisa sheegin markii ay soo qabanayeen uu isku dayey inuu baxsado, balse ay u adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa.
Waxa uu tilmaamay afhayeenka in hadda lagu wado baaritaan, islamarkaana xabsi lagu sii heyn doono muddo 4 Todobaad ah.




From the comments