Maamulka gobolka Awdal ayaa sheegay iney sharciga la tiigsan doonaan kooxo hubaysan oo is hor taagay dhismaha waddo muhiim ah oo isku xireysa gobolka Awdal ee Somaliland iyo dalka Jabouti, taasi oo soconeysay Afartii bilood ee ugu dambeysay.
Shir jaraa’id oo ay magaalada Borama ku qabteen masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolkaasi Mustafe Cabdi Ciise ayaa waxay sheegeen iney tahay arrin laga xumaado in horumar bulshada u soo kordhaaya laga hor yimaado, “Waxaanu u sheegeynaa dadka inaaney suurogal ahayn in dantii bulshada cid gaar ah ay ka hor imaaddo, raggani oo hubaysan ayaa weerar ku soo qaaday goobtii ay shaqadu ka socotay waxayna sheegeen in la joojiyo shaqada oo ay ku tilmaameen in dhul ay gaar u leeyihiin la isticmaalay taasina waxba kama jiraan ee dhulka dawladda ayaa leh”, ayuu yiri guddoomiyuhu.
Dhinaca kale, madaxda dhaqanka ee gobolkaasi ayaa sheegay iney garab taagan yihiin waxqabadka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la timaaddo , iyaga oo arrintan ku tilmaamay mid dhabar jab ku ah hanka shacabka, waxayna intaasi ku dareen iney dhib weyn dadka rakaabka ahi ay kala kulmaan jidkaasi isku xiraya Borama iyo Xuduudka Jabouti.




From the comments