Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan ayaa socday ku dhowaad 3 saac, waxaana halkaasi ku dhintay 6 qof oo dhinacyadii dagaallamayey u badan, iyadoo 15 kalena ay halkaasi ku dhaawacmeen sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu salka ku hayo qof shalay lagu dilay degmada Caabudwaaq, iyadoo hadda dagaalka uu ka yara qaboobay sidii uu ku billowday maanta.




From the comments