Muqdisho: 70 Jir Dadka Salaadda u Kiciya Xilliga Ay Hurdayaan

Mid ka mid ah shanta Salaadood ee waajibka ku ah Muslimiinta inay tukadaan ayuu isku xilqaamay inuu u kiciyo dadka isagoo cod dheer ku gaarsiinaya xilliga dadku ay la halaaqoonayaan hurdada amaba ay hurdayaan.
Qofkan ka hadlayno waa Maxamed Nuur oo ah nin oday ah , da’diisuna waxa ay u dhaxaysaa qiyaastii 65- ilaa iyo 70-sano jir waxaana uu salad subax u toosiyaa dadka .
Wacyigelinta uu umadda u hayo ayuu u arkaa inay tahay tan ugu wanaagsan ee la qabto kamana daallo aroor kasta in dadka uu u kiciyo salaadda si ay u tukadaan .
Muddo hadda laga joogo 15-sano ayuu u sheegay GoobjoogFM inuu bilaabay hurda ka toosinta dadka isagoo cod dheer ku gaarsiinaya in salaaddu taagan tahay oo ay tukadaan.
“Hadda waa toban saac oo subaxnimo, waad aragtaa in aan dadka u kicinayo salaadda , ilaa inta lugtayda ay gaarto ayaan soconayaa oo laga gaarayo waqtiga salaadda”.
Waa xilligii salaadda subax , jameeco aan ka badnayn 5 saf oo kuwa horre ah ayaa ku tukanaya Masaajidkan waxaana kamid ah dadkaasi Maxamed Nuur iyo dad ku so toosa codkiisa dheer deetana soo aada salaadda iyo Aniga oo qudhayda kamid ah jameecadan .
Maxamed Nuur ayaan su’aalnay sida uu u arko howshan uu haayo..
“Aniga aadban ugu faraxsanahay in aan dadka muslimiinta ah u kiciyo salaadda taasna waa mid aan alle ugu dhawaanayo .
Run ahaantii 15-sano ka badan ayaan ku jiraa wacyigelintan waana sii wadi doonaa tan iyo inta aan noolahay “.
Maadaama uu ku wareego Maxamed Nuur xaafado kala duwan , cod dheerna uu ku toosiyo dadka hurdaya waxaa suuragal ah in uu kala kulmay qataro badan oo ay kamid noqon karto mid noloshiisa saamayn ku yeelatay markale waxa uu ka jawaabayaa inay jirto dhibaato uu la kulmay intuu howshan ku guda jiray
“Haa, dhibaato waan la kulmay waadna ogtahay in dhibaato kasta lala kulmi karo waayo aniga subax kasta si joogto ah ayaan dadka hurdada uga toosiyaa si aysan u seegin salaadda subax oo ah tan ugu badan ee dadku wada xaadirin masaajidda .
Hadda ka kor ayaa rag daaqadooda aan ka ag hadlay igu soo baxeen , oo waa ay I jiidjiideen laakiin ilaahay mahadiis wax dhib kale iima aysan gaysan “.
Axmed Maxamed oo kamid ah dadka ku soo tukadda masaajidka oo aan la hadlay ayaa u sheegay GoobjoogFM in jalaskiisa hurdada ka kiciya si uu u tukado uuba yahay Maxamed Nuur waxa uuna k asheekaynayaa arintaasi.
“Run ahaantii saacadda maba ku xirto Gambaleel waayo Sheikha ayaaba iga kiciya hurdada ,aniguna durba waan ka soo boodaa hurdada marka aan maqlo codkiisa
Aadban ugu mahadcelinayaa ilaah oo kaliya ayaa abaalkiisa gudi kara waayo wuxuu sabab u noqday boqolaal muslimiin ah inuu u toosiyo salaadda inay tukadaan , miyaysan taas ahayn wax la qabto tan ugu wanaagsan “.
Goobjoog: Mar kale ayaan waydiiyniinay Axmed Maxamed inay jiraan dad dhibsada wacyigelinta iyo in isagu qudhiisu uu dhibsaday haddii ay dhici karto salaadda oo aan la gaarin in laga toosiyo hurdada waxaanu yiri .
La waraystaha: “ Maya Maya , waanba ku farxaa ayaan ku dhahay , ma qayrkii alle oo la ii toosiyo ayaan ka xanaaqi karaa , ilaah baan ka magan galay taas
Hurdaba kuma sii nagaado markaan codkiisa maqlo ilaahay ha dhowree “.
Maxamed Nuur ayaa isagu qudhiisa u arka arrintaasi mid mudan in uu jawaab ka bixiyo waxa uuna ka hadlayaa suuragalnimada in dadka uu toosiyo salaadda ka hor taasna ay suuragal tahay in lagu dhibsaday waxa uuna yiri ?
“ Maya ma sameeyo midaas , aniga waqtiga salaadda ka hor 30 daqiiqo ayaan dadka kiciyaa si kan qubaysanaya uu u mayrto kan kalena uu wayso iyo istajo qaato laakiin saacad ka hor maba sameeyo”.
Maxamed Nuur kaliya ma ahan shaqsiyaadka isku xilqaamay inay dadka muslimiinta ah u kiciyaan salaadda waxaana jira shaqsiyaad kale oo midan sameeya waana arrin muddooyin hore soo bilaabatay .
Laakiin ma jirto dhallinyaro middan samaysa marka laga reebo in wacyigeliyaashu ay yihiin odayaal.
W/D: Munasar Maxamed Cabdi
Tifaftirey: Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News