Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ka deyriyey xaaladda nololeed ee dad barakacayaal ah oo ku sugan degmadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee degmada Maxaas Daahir Cali Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaalad adag oo dhan nolosha ah ay ka jirto degmadaasi.
Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in degmadaasi ay soo gaareen boqolala qoys oo kasoo barakacay gobolka Galgaduud iyo sidoo kale deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannadii ay faarujiyeen ciidamada Itoobiya.




From the comments