Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay maxaabiis ku xiran deegaannada uu ka arrimiyo Galmudug uga soo wareejiyaan.
Waxa uu sheegay Xeer Ilaaliyaha in muhiimadda ay tahay in dadkaasi ay helaan caddaalad iyo sidoo kale in ciqaabtooda ay ku qaataan meel leh daryeel wanaagsan iyo la socod.
“Waxyaabaha aan u nimid waxaa kamid ah maxaabiista ku xiran meello kamid ah Galmudug ee aan haysan xabsi, Garsoor, inaaan u wareejinno meelaha Garsoorka iyo Xabsiyada ka heli karaan, iyadana aan dowlad goboleedka Galmudug ka codsaneyno iney nagu caawiso sidii aan u wareejin lahayn, hadda kahorba gacan badan bay ka geysteen inaan wareejinno maxaabiis saas oo kale ah oo Cadaado iyo meello kale oo deegaanka ka tirsan, aad baan uga mahadcelineynaa sidey inoola shaqeeyaan, annaga waxaan rajeyneynaa in qeybteenna ka qaadanno” Xeer Ilaaliyaha ayaa sidaasi yiri.




From the comments