Goobjoog

Ehlada Dad Ay Waxyeeleen Askar AMISOM Ah Oo Baaq u Direy Dowladda Federaalka

Ehlada dad ay waxyeello u geysteen askar ka tirsan AMISOM ayaa dalbaday in sharciga la horkeeno askartaasi oo lagu eedeeyey in ay gaari jiirsiiyeen dad shacab ah oo aan waxbo…

Ehlada Dad Ay Waxyeeleen Askar AMISOM Ah Oo Baaq u Direy Dowladda Federaalka
In this photo taken Friday, Aug. 29, 2014 and provided by the African Union Mission to Somalia (AMISOM) on Saturday, Aug. 30, 2014, African Union (AU) soldiers from Uganda gather as they prepare to launch an offensive against al-Shabab strongholds in the Lower Shabelle region of Somalia. Somali government troops fighting alongside AU troops drove the militants from a number of towns as part of their military offensive dubbed “Indian Ocean” aiming to oust al-Shabab from its last major hideouts in the southern parts of the Horn of Africa nation. (AP Photo/AMISOM, Tobin Jones)

Ehlada dad ay waxyeello u geysteen askar ka tirsan AMISOM ayaa  dalbaday in sharciga la horkeeno askartaasi oo lagu eedeeyey in ay gaari jiirsiiyeen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan.

Nuur Maxamed Ibraahim oo kamid ah dadka dacwada u qaba askar ka tirsan AMISOM oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaaskiisa iyo canug yar oo uu dhalay uu jiirey gaari AMISOM, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaalla gobolka Shabellaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay in gaariga AMISOM si indho la’aan ah loo geliyey aqal ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo Carruurtiisa, iyadoo aan la ogeyn sababta arrinkaasi ka dambeysay.

“Anaga reer Baadiye baan nahay, Shabellaha Hoose ayaan deggannahay, gaari AMISOM ayaa si xoog ah loo soo geliyey aqalkii ay ku jireen xaaskeyga iyo carruurteyda, xaaska wey iga dhimatay ilmahana mid baa ku dhintay Isbitaalka” Nuur ayaa sidaasi u sheegay Goobjoog News.

Sahro Muumin Aadan, oo iyana la hadashay Goobjoog News waxay sheegtay in wiilkeeda oo heer Jaamacad marayey uu jiirey gaariga AMISOM, islamarkaana aaney jirin cid illaa iyo hadda wax u qabatay.

“Wiilkeyga xilligii aan ku nasanayey ayaa la joogey, Jaamacad baan geeyey, AMISOM si xaasidnimo ah ayeey gaariga ugu jiireen gobolka Shabellaha Hoose, illaa hadda cid wax inoo qabatey malahan, mana jirto cid xitaa na dhahday sidee ayeey wax idiin gaareyn”

Ugu dambeyn Nuur Maxamed iyo Sahro Muumin ayaa si isku mid ah waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay cadaaladda horkeento ciidankii AMISOM ee falkaasi ka dambeeyey.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Shabellaha Hoose, 29-10-2016, iyadoo aaney jirin cid ka tirsan dowladda Federaalka ama AMISOM oo arrintan ka hadashay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments