Waxaa maalintii Shanaad hawada ka maqan Isgaarsiinta gobollada Jubooyinka, kadib markii la sheegay iney damiyeen Xarakada Al-shabaab.
Magaalada Kismaayo ayaa kamid ahayd meelihii ugu horreeyay ee Isgaarsiinta hawada laga saarey, hase ahaatee waxaa la sheegay in Hal cisho kadib ay suuragashay in Isgaarsiinta Kismaayo dib loo soo celiyo.
Wararka waxay tilmaamayaan in gobollada Jubooyinka ay isgaarsiinta ka shaqeyneyso oo kaliya magaalada Kismaayo, iyadoo taasi ay saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan deegaannada kale ee gobolladaasi.




From the comments