Maamulka gobolka Galgaduuud ayaa sheegay in ay kaalin xooggan ka qaadanayaan daminta xiisad ka jirta degmada Caabudwaaq, taasi oo u dhaxeysa beello halkaasi wada deggan.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka waxbarashada maamulka Galgaduud ee Galmudug Cabdullaahi Colaad Faarax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan marnaba gacmaha ka laaban doonin daminta colaadda Caabudwaaq.
“Annaga ka maamul ahaan waan wadnaa dedaal walbo oo nabadeed, waxaan xiriiro la sameynay dhammaan dhinacyada isku haya degmada Caabudwaaq, waxgaradkii iyaguna kaalintooda ayeey wadaan”




From the comments