Goobjoog

Galmudug Oo Dhankeeda Dagaalka Gaalkacyo Ku Eedeysay Puntland

War-saxaafadeed goor dhow laga soo saarey madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa looga hadlay dagaallada maanta dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Waxaa lagu sheegay War-saxaafadeedkan in Puntland ay…

Galmudug Oo Dhankeeda Dagaalka Gaalkacyo Ku Eedeysay Puntland

War-saxaafadeed goor dhow laga soo saarey madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa looga hadlay dagaallada maanta dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaa lagu sheegay War-saxaafadeedkan in Puntland ay jebisay dhammaan heshiisyadii laga gaarey dagaallada Gaalkacyo, sidaasi darteedna Puntland ay mas’uul ka tahay wax walbo oo ka dhaca Gaalkacyo.

Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeedkan loogu sheegay in Galmudug mar walbo ay diyaar u ahayd helista xal waara oo dagaalka Gaalkacyo ah, balse Puntland ay marar badan jebisay heshiisyadii la gaarey waa sida war-saxaafadeedka ku qoran.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

galmudug

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments