Wasiirka arrimaha shaqada ee Somaliland Cumar Maxamed Nuur ayaa sheegay iney soo saartay wasaaradiisu amar dhammaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaanba ee maxalliga ah ku farayaan in shaqaalaha ajaanibta ah ee dibadda laga keeno isla markaana ay xirfadooda leeyihiin kuwa dalka joogaa aan la qaadan Karin.
Wasiirka oo hadal ka jeediyey munaasbad ay ku qallin-jabiyeen arday shaqaalaha dawlada ka tirsan, ayaa sheegay in shaqo la’aanta laga cawdo ee dalka ka jirta ay kaw ka tahay in shaqadii dadka muwaadiniinta ahi ay qaban lahaayeen ay gacanta ugu jirto ajaanib dalal shisheeye laga keenay.
Wasiirku waxa uu sheegay in tiro ka badan 5000 oo shaqaale ajaanib ahi iney ka shaqeeyaan gudaha Somaliland; kuwaasi oo badankoodu ka xirfad yar kuwa Soomaalida ah oo shaqo la’aantu hayso, ”Waxaanu idin sheegayaa in aanu soo saarnay amar diidaya in shaqale ajaanib ah oo laga maarmi karo ay muwaadiniintii shaqada ku ciriiryaan, maanta dalkii shaqo la’aan ayaa haysata shirkadihii iyo hay’adihiina waxay soo gelinayaan dalka shaqaale aan tayo lahayn kaliya lagu soo xulanaayo waa ajaanib”, Ayuu yiri Wasiir Cumar.




From the comments