Cusmaan Maxamed Faarax ‘Gamuure’ oo horey uga tirsanaa baarlamaandii KMG ee dalka, ahaan Xisaabiyihii guud ee Bankiga ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed ayaa dhaliilay hannaanka doorasho ee Puntland ka socda oo uu ku tilmaamay mid hufnaan ka fog.
Cusmaan oo aan ka wareysannay doorashada aqalka hoose ee Puntland ka bilaabatay ee lagu kala saarayo musharxiinta u tartameysa aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa yiri:-
“Doorashadii Aqalka hoose Puntland ayay ka bilaabatay waxaana la filayaa in 12 kursi lagu doorto sida ay qorshaha u dhigteen, nadiifnimo(doorashada) xataa 50% laga fili mayo, waxaanan filayaa in ummadda Soomaaliyeed ogtahay maanta marxaladda ay ku jirto, waxaan aamnisanahay in dhaliillo badan iska jiraan, faragelinno badani jiraaniin, laaluush badani uu jiro, oo si aan xaq ahayn waxyaabo badani u socdaan, dadkii Madasha ee waxaan sameeyay in ay qaarkood tartamayaan, nin walbaana uu culeyska ku saarayo in dad uu isagu leeyahay ay soo baxaan”.




From the comments