Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaallada dib uga soo cusboonaadey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in halkii laga filayey nabad ay colaad kasoo cusboonaato, wuxuuna ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug iney ka dhabeeyaan heshiiskii ay ku gaareen Imaaraadka.
Waxa uu tilmaamay Axmed Madoobe in magaalada Gaalkacyo ay u dirayaan wafdi dhex dhexaadin ah si loo qaboojiyo dagaallada, dhanka kalena magaalada Kismaayo lagu qaban doono wejiga Labaad shirkii Puntland iyo Galmdug ee Imraadka ku bilowdey.




From the comments