Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ay doortaan xubnaha u tartamaya 8-da kursi ee maamulkaasi uga soo aadey aqalka sare.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in musharraxiinta xubnaha aqalka sare ay abaare 11-ka barqanimo ee maanta jeedin doonaan khudbadahooda, gelinka dambe ee maantana ay billaaban doonto doorashada.
“Xildhibaannada baarlamaanka waxa uu isku imaan doonaa Afar Saac. Shan Saac waxaa bilaabanaya khudbadaha musharraxiinta, Toban Saac waxaa bilaaban doona doorashooyinka aqalka sare” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.




From the comments