Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug in si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalla socda magaalada Gaalkacyo.
Nabadoonka ayaa sheegay in dagaalladaasi aaney dan ugu jirin shacabka gobolka Mudug, islamarkaana looga baahan yahay madaxda Labada maamul in shacabka ay u turaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay Nabadoon Axmed Diiriye in taariikhdu ay qori doonto cid walbo oo dalka iyo dadka u horseeda dhibaato, sidaa darteed loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug u tanaasul u sameeyaan shacabkooda.




From the comments