Abshir Maxamed Axmed oo Senator federaalka ah lagana soo doortay maamulka Galmudug ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaallada ku soo noq-noqonaya magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, waxaa kaloo uu wax laga xumaado ku sheegay burburka ku yimid heshiiska magaalada Abu Dhabi ay ku gaareen madaxda Galmudug iyo Puntland oo waqti gaaban ka soo wareegatay.
Abshir Bukhaari waxaa uu ka hadlay saameysta dagaallada ku leeyihiin umadda deegaanka, isagoo intaa raaciyay in labada dhinacba ay ogyihiin dhibaatadan in ay soo gaareyso caruurta, waalidiinta, xaasaska iyo qaraabada.
“Iyaddoo laga ambaqaadayo dhibaatada hadda jirta, waxaan soo jeedinayaa in hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland ahaan in aan qaadanno mas’uuliyadda sidii dagaalka loo joojin lahaa isla markaana xal waara loo gaari lahaa” sidaa waxaa yiri Abshir Axmed.




From the comments