Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa maanta oo Talaado ah waxay xukun dil ah ku riddey askari ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.
Askariga dilka lagu xukumay waxaa lagu magacaabaa Cali Boorow Maxamed, waxaana la sheegay inuu degmada Buurhakaba ku diley marxuum lagu magacaabayey Qaasim Caddow Xaaji Keyrow, dhaawacayna Labo carruur ah oo marxuumkaasi dhalay, taariikhdu markii ay ahayd 10-10-2016.
Dilkan ayaa la sheegay in askarigan uu si bareer ah ugu geystay marxuumkan, waxaana xukunka uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.




From the comments