U bood dhigaalka

Golaha Abawaanada Soomaaliyeed Oo Magacaabay Guddi Xal u Raadiye Colaadda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa waxay ku magacaabeen guddi ka shaqeeya xal u raadinta dagaallada kusoo noq noqday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye ayaa sharaxaad ka bixiyey tirada xubnaha abwaanada ee baxaya, magaca safarka ay u bixiyeen iyo cidda garabka ku siineysa socdaalkan.

Waxa uu sheegay iney ku baxayaan 11 Abwaan iyo 4 aqoonyahan, wuxuuna socdaalkooda ku sheegay inuu yahay socdaalka xal u helidda colaadda Gaalkacyo ee 2016-ka.

“Socdaalkan waxaan ku baxeynaa 11 Abwaan iyo 4 aqoonyahanno Soomaaliyeed, waana socdaalka xal u helidda colaadda Gaalkacyo, waxaan rabnaa inaan dhexda u xiranno sidii loo heli lahaa nabadda Gaalkacyo”

Abwaan Sangub oo halkaasi isna hadal ka jeediyey ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaallo ka dhaca magaalada Gaalkacyo, isaga oo ugu baaqay dhinacayada isku haya magaaladaasi in ay ka shaqeeyaan nabadda oo ay u turaan dadka shacabk ah.

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.

Goobjoog News