Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Hirshabelle Oo Ka Billaabatey Jowhar

Goor dhow waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe ka billaabatey doorasha xubnaha aqalka sare ee kusoo aaddey maamulka Hirshabelle.
Xildhibaannada Hirshabelle ayaa dooran doona 8 kursi oo maaamulkaasi ku leeyahay aqalka sare ee baarlamaanka.
Labo kamid ah kuraastan waxaa ku tartamaya Haween oo kaliya si loo ilaaliyo qoondada haweenka 30%.
Musharraxiinta ayaa kala ah:-
1- Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2- Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Dayib Axmed
3- Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4- Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.
5- Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6- Muuse Xasan Yalaxow (Muusesuudi) iyo Xasan Cali Caadle
7- Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8- Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.
Goobjoog News