Cismaan Axmed Macow oo noqday Senator-kii ugu horreeyey ee ay doortaan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa fariin nabadeed waxa uu u diray maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu sheegay Senator-ka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News in dagaal sokeeye aanu dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in madaxda Galmudug iyo Puntland ay u turaan shacabkooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhinaca kale Senator- Cismaan ayaa dhanka kale sheegay in uu wax badan ka qaban doono shaqsi ahaan dhibaatooyinka kala duwan ee kusoo noqnoqday deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.




From the comments