Wararka ka imaanaya magaalada Columbus ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhacday.
Weerarka halka uu ka dhacay waxaa ku geeriyoodey wiil magaciisa lagu sheegay Qaasim Maxamed, iyadoo uu ku dhaawacmay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasi oo isna magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali.
Saraakiisha ciidanka Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaan uu ahaa mid loola dan lahaa dhallinyaradaasi Soomaaliyeed, balse ay baarayaan cidda weerarkaasi ka dambeysa.




From the comments