Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan aqbali doonin in gobolka Banaadir uu xuquuq la’aan noqdo.
Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay aad u jeclaan lahaayeen in Xubnaha aqalka sare ay ka dhex muuqdaan xubno matalaya gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha in xubnaha Hirshabelle ee aqalka sare ay dhankooda ku dedaali doonaan iney u doodaan xuquuqda ka maqan gobolka waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments