Waxaa maanta magaalada Galkacyo lagu wadaa in uu ka dhaco kulan heshiis looga gaarayo dagaalka muddada bil iyo barka ah ka socda magaaladaasi.
Kulankan waxaa ka soo shaqeeyay Michaela Keating oo ah ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in sidoo kale ay ka qeyb-galaan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo safiiro ay ka mid yihiin midka Itoobiya.
Waxaa burburay heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen horraantii bishan, wada hadal ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Abuu-Dubai 30-10-2016-1-11-2016, iyadoo halkaas lagu gaaray heshiis hor-u-dhac ah, heshiiskaan kadib dagaallo dhacay waxaa ku dhintay dadka gobolka u dhashay iyo dad meelo kale ka yimid.




From the comments