Goobjoog

Olgan Bekar: Turkiga Waxaa Uu Sii Wadi Doonaa Taageerada Soomaaliya

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa la sheegayaa in uu ammaaney doorashada dadban ee Soomaaliya taaso oo lagu wado in la soo gabagabeeyo 30-ka bishan. Mr. Olgan…

Olgan Bekar: Turkiga Waxaa Uu Sii Wadi Doonaa Taageerada Soomaaliya

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa la sheegayaa in uu ammaaney doorashada dadban ee Soomaaliya taaso oo lagu wado in la soo gabagabeeyo 30-ka bishan.

Mr. Olgan Bekar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa Turkiga ay ka qeub-qaadayaan hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waxaa ay ku jirtaa dowladaha taageera Soomaaliya, doorashadan waxaa ay ku bixisay ilaa 7 Mliyan oo Dollar, taas oo u dhiganta lacagta ay bixiyeen marka la isku daro beesha caalamka.

Turkiga wixii 2011-kii ka dambeeyay waxaa uu dalka ka hirgeliyay mashaariic iyo maalgeshigii ugu badaan, arrintaas oo wax badan ka badashay muuqaalka magaalada Muqdisho.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments