Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Ra’iisul wasaare Cumar kusoo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Sharmaarke ayaa Gaalkacyo u tagey sidii la loo heshiisiin lahaa maamullada Puntland iyo Galmudug oo maanta wada hadallo uga furmaya magaalada Gaalkacyo.




From the comments