U bood dhigaalka

Shirka U Dhaxeeya Galmudug Iyo Puntland Oo Hadda Ka Furmay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Shirka Wada Hadalka Maamullada Galmudug Iyo Puntland Oo Goor Dhow Ka Furmay Gaalkacyo Iyo Khudbadaha Oo La Jeedinayo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka furmay shirka ay ku wada hadlayaan maamullada Galmudug iyo Puntland oo muddo ka badan afar todobaad ku dagaallamaya galbeedka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Madaxda maamulladaasi sida Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wada sugan madasha.

Dhanka dowladda federaalka waxaa ka socda Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid halka beesha caalamka uu ka socdo wafdi uu hoggaaminayo Danjire Micheal Keating.

Labadani maamul ayaa sanadkii hore dhammaadkiisa heshiis ka koobnaa dhowr qodob ku gaaray magaalada Gaalkacyo kaasoo muddo sanad gudihiisa ku buray, lamana oga waxa ka soo bixi kara shirka galabta furmay iyadoo weli magaalada ay ka maqan yihiin dadkii shacabka ahaa ee colaadda ka barakacay.

Wixii soo kordhaa dib kala soco

Goobjoog News