Waxaa goor dhow magaalada Gaalkacyo ka degay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Madoobe u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Wafdigani ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ay uga hortageen masuuliyiin kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.
Mr. Keating iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee beesha caalamka ka socda ayaa magaalada Gaalkacyo u tegay ka qeyb galka wada hadalka nabadda ee dagaalka galbeedka Gaalkacyo lagu joojinayo.




From the comments