Waxgaradka Galmudug: Maraykanka Waa Inuu Xirxiraa Dadkii Ka Dambeeyay Duqeyntii Jeexdin

Odayaasha iyo waxgaradka Galmudug ayaa ka hadlay raalligelintii dowladda Maraykanka ay ka bixisay maalin ka hor weerarkii ka dhacay degaanka Jeexdin oo lagu dilay 13 ka tirsanaa ciidanka daraawiishta maamulka Galmudug.
Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug oo isagoo Gaalkacyo ku sugan la hadlay Goobjoog News wuxuu ka codsaday Maraykanka inuu xirxiro dhammaan kuwii siiyay warbixinnada qaldan oo ka dambeeyay in weerarkaasi ay fuliyaan.
“Waxaa cadaatay in Puntland beenleey tahay oo warbixinnaddii ay siisay Maraykanka ay beenoobeen waa tii aan sheegnay in ciidankaasu ahaa ciidan Galmudug, Maraykanka waa ku saxan yahay raalligelinta uu bixiyay waana soo dhoweynaynaa ka wargarad ahaan” ayuu yiri Nabadoon Cali Diiriye.
Nabadoon Alloore ayaa ka hadlay bixinta mag laga doonayo dowladda Maraykanka oo uu tilmaamay in Maraykanka laga doonayo in ay bixiyaan magta raggii uu dilay.
“Maraykan waa laga rabaa magta raggii uu dilay, waxa weeye Puntland baa ka dambeysay in weerarkaasi uu dhaco maxaa yeelay Maraykanka iyaga ayaa u jaasuusay” ayuu yiri Nabadoon Cali Diiriye Alloore.
Degaanka Jeexdin oo 15 KM dhanka koonfur kaga beegan magaalada Gaalkacyo ayaa ciidamada Maraykanka duqeymo diyaaradeed oo ay ka fuliyeen 28-kii bishii Sept 2016 waxay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.
Markii weerarkaasi uu dhacay xilli habeen ah afar maalin oo xiriir ah waxaa magaalada Gaalkacyo ka soconayay dibadbaxyo waa weyn oo lagaga soo horjeeday jiritaanka dowladda Maraykanka iyo weerarkii ay ka geysatay degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo.
Goobjoog News