Wufuud ka kala socota dowladda federaalka iyo beesha caalamka ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo lagu wado in maanta uu ka furmo shirka wada hadalka nabadda ee Gaalkacyo.
Wada hadalladani oo ay yeelanayaan maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa ku saleysan sidii ay xal looga gaari lahaa colaadda galbeedka koonfureed ka taagan ee labadan maamul u dhaxeysa muddo ka badan afar todobaad.
Dhanka dowladda federaalka waxaa wafdiga hoggaaminaya Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke halka beesha caalamkana wafdiga ka socda uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya MR Meachal Keeting.




From the comments