Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Mareykanka laga doonayo in magdhow ay ka bixiso ciidankii Galmudug ee ay ku dileen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, 28-September-2016.
Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qirashada Mareykanka ee ah iney dileen ciidan ka tirsan Galmudug ay tahay tillaabo horey loo qaadey, balse hadda loo baahan yahay in Mareykanka bixiyo magdhow waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waa tillaab horey loo qaadey in Mareykanka ay qirtaan iney dileen ciidan Galmudug ah, waxaa hadda loo baahan yahay in dowladda Mareykanka bixiso magdhowga dadkii ay dileen” ayuu yiri Wasiirka.




From the comments