Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono hannaanka federaalka ee Soomaaliya qaadatey.
Waxa uu sheegay in markii hore ay u heysteen in Federaalka uu dalka iyo dadkaba xasilooni buuxda u keenayo, balse waxa uu sheegay in haddii uu federaalka keenay in lagu dagaallamo muhiim inay tahay in Federaalka dib loo eego.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayey shirkii nabadeynta Gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Galmudug looga baahan yahay iney ilaaliyaan heshiiskii la gaarey oo Gaalkacyo mar kale aaney ka dhicin dagaal.




From the comments