Waxgaradka maamulka Hirshabelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxay uga digeeen cid walbo oo ku lug leh doorashada xildhibaannada aqalka hoose iney musuq sameyso.
Waxay sheegeen waxgaradkan in loo baahan yahay in lasoo doorto shaqsiyaad waxtar u leh bulshada Soomaaaliyeed, sidoo kalena dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u qaban kara.
“Xildhibaannada aqalka hoose ee lasoo xulayo waxaan ku talineynaa in laga ilaaliyo musuq, loo daayo waxgaradka iyo dadka ku shaqada leh, sidoo kale dadka wax soo xulaya waxaa laga doonayaa in ay keenaan xildhibaanno karti leh oo dalka iyo dadka wax u tari kara” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradka kulankaasi hadalka ka jeediyey.




From the comments